Duqa Muqdisho oo markale si adag uga hadlay weerarkii xeebta Liido + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo Quraan Aqris ah ugu sameeyay dadkii ku geeriyoday weerarkii xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

 

Boqolaal ka tirsan Howlwadeenada G/Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ayaa Salaada Jimco ku tukaday barxada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana Khudbada Salaada Jimco lagu soo qaatay sida ay Diinteena suuban u xaaran-tameesay in Naf bini-aadam ah la gooyo in marnaba aysan ka turjumeynin Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa salaada kadib markale si kulul ugu hadlay falalkaas waxa uuna halkaasi ugu duceeyay Dalka, Dadka, Geeriyooday, Inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here