MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray 12-waddo oo laga hirgaliyay xaafadaha Degmada Warta Nabada, kuwaas oo isku xira Wadooyinka Wadnaha, Sodonka, Aadan Cade iyo Xamar Bile.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey ayaa sheegtay in waddooyinkaan ay muhiim u tahay isku socodka bulshada, iyadoona xustay in shacabka Degmada Warta Nabadda ay door ka qaateen dhismaha waddooyinkaan.
Duqa Muqdisho ayaa ku boogaadiyay sida ay Maamulka Degmada Warta Nabada iyo bulshada ay ugu jawaabeen Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar, taasi oo iskaashigooda ku fuliyeen mashaarciida lagu dhisay kaabayaasha isku socodka oo hormuud u ah kobac dhaqaale iyo bilic kusoo kororta Degmada.