Duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jiray waddo cusub oo laami ah + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid, iskuna xirta Waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil – Suuq Bacaad.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha Kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo Caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Fargax, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato, Odayaasha Degmada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

       

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here