Duqeymo Cir ah oo Lala Beegsaday Al-Shabaab

0

MUQDISHO – Duqeymo culus ayaa xalay lala bartilmaameedsaday saldhigyo iyo godad ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada Hareeri Culusoow, Mareeg Caraale iyo tuulooyin u dhaxeeya, kuwaas oo dhaca xadka u dhaxeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

 

Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa ka dhacay iyadoo lala kaashanayo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kadib markii la helay xog muujinaysa in kooxdaasi ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Warar hordhac ah oo laga helay ilo sirdoon ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo horjoogayaal sare, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahaasi.

Deegaannada la beegsaday ayaa u dhow magaalada Masagaway ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadeen.

Duqeymahan ayaa qayb ka ah dagaal xooggan oo dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Inkasta oo kooxda Al-Shabaab ay dhowr weerar ku qaaday deegaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo Shabeellaha Hoose, haddana ciidamada dowladda ayaa dib uga saaray dhowr tuulo oo ay ugu horreeyaan Bariire, Sabiid iyo Caanoole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here