MARKO – Al-Shabaab ayaa xalay laga duqeyey gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose siiba magaalooyinka kala ah Hawaay, Sablaale, Xaramka iyo Arbacoow, iyadoo Duqeymahan ay ahaayeen kuwo sababay khasaarooyin kala duwan.
Waxaa la sheegay in ay fuliyeen diyaaradaha Dagaalka wadamada saaxiibada dhow la ah Soomaaliya ee ka taageera dhinaca dagaalka Al-Shabaab.
Duqeymahan ayaa lala eegtay saraakiil sare oo Al-Shabaab katirsan, kuwaas oo qaarkood abaabulayay weeraro ku wajahnaa Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil Ciidamada militeriga Soomaaliya.
Deegaanka Haawaay waxaa duqeymo lagula eegtay gaadiid qaraxyo waday oo Muqdisho kusoo wajahnaa, iyadoo Degmada Sablaale lagu weeraray saraakiil Ajaaniib ah oo Al-Shabaab u diyaarinayay qorshaha weerarada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, deegaanka Arbacow Al-Shabaab Weeraro qorsheenayay oo Ajaaniib u badnaa ayaa lagu duqeeyay sida xogaha Amniga ah ay sheegayaan,
Dukhaymahan waxaa lagu beegsaday saraakiil Amniyaadka ah iyo Ajaaniib Al-Shabaab muhiim u ahayd sida ay sheegeen ilaha Amniga ah.
War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay sii socon doonaan inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab oo ku xoogan deegaano kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Meelo Kamid ah Soomaaliya waxaa ka jira dagaalo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Dowladda sida deegaanada HirShabeelle oo ay ka soconayaan dagaala qaraar oo u dhexeeya labada dhinac.
Al-Shabaab ayaa dhankooda soo celiyay weerarada ay ku qaadaan fariisimooyinka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda iyadoo dhawaan ay ahayd in weerar dhowr jiha ah ay ku soo qaadeen deegaano dhaca gobolka Shabellaha Dhexe.