Duqeymo culus oo xalay ka ka dhacay xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR  (SMN) – Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanka Cali Hayle oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Duqeymahan ayaa daba socday howlgal xalay saqdhexe ka dhacay deegaanada Masaajid Hilowle iyo Raydab Boorre oo hoostaga degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa la soo warinayaa in khasaare xoogan ay dhalisay duqeyntaasi oo lala eegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan qorsheysay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo sii wado howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here