Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Bakool iyo Khasaaraha

0

XUDUR (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool.

 

Duqeymahan ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida  uu sheegay taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in weerarkan dhanka cirka ah lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna dib ka shaacin doonaan magacyadooda.

Xaaladda gobolka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here