Muqdisho [SMN] – Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025.
Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana looga hortagay iskuday ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkeeda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ka go’an ciribtirka Al-Shabaab iyo Daacish.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo Daacish, oo hadda meelo kamid ah Soomaaliya gacanta ku haya.
Duqeymaha ayaa dhacay kadib weeraro Al-Shabaab ku qaadey saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe todobaadkii hore.