Duqeymo ka dhacay Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

0

MUQDISHO – Duqeymo qorsheysan oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, ayaa lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyadoo lagu howlgalayay xog sirdoon oo ay siiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Saraakiil xog-ogaal u ah howlgalka ayaa xaqiijiyay in lala bartilmaameedsaday:

Xuseen Fiidow – Madaxa siyaasadda kooxda

Cabdicasiis Abu Muscab – Afhayeenkii howlgalada Al-Shabaab

•Guddoomiyihii kooxda u qaabilsanaa Shabeelaha Hoose

Madaxa maaliyadda kooxda

Iyo amiirro kale oo kooxda ka tirsan

Sidoo kale, duqeyn kale ayaa lagu burburiyay xero tababar oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka, waxaana lagu dilay in ka badan 100 dagaalame oo halkaas lagu tababarayay. Wararka ayaa sheegaya in duqeymahaasi lagu burburiyay gaadiid ay kooxdu qaraxyo ku soo rareen oo la sheegay inay ku wajahnaayeen Muqdisho.

Deegaannada duqeyntu ka dhacday waxaa ka mid ah:

Degmada Sablaale
Deegaanka Haaway
•Kuunyo Barrow

Duqeymuhu waxay imaanayaan iyadoo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel xasaasi ah, laguna wado in wejiyo cusub oo ka ballaaran ay ka billowdaan qaybo badan oo dalka ah.

Howlgalkaan wuxuu astaan u yahay iskudubarid xooggan oo u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, oo si dhow ula shaqeeya sirdoonka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2014, duqeyntii lagu dilay Axmed Cabdi Godane, hogaamiyihii guud ee kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here