Duqeymo xoogan oo ka dhacay xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo xoogan oo maanta ka dhacay deegaano ka kala tirsan Galmudug iyo HirShabelle.

 

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xadka u dhexeeya  Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan goobo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Warara ayaa sheegaya in duqeynta xoogeeda ay ka dhacday duleedka degmada Ruun-Nirgood, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Sidoo kale duqeymaha ayaa lagu garaacay deegaano kale oo dhaca gobolka Galgaduud, sida Gal-libaax, ilaa Sabansabley, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku aadan duqeymahaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad kacsan, waxaana deegaanada qaar ka socda dagaallo halka, kuwo kalena ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo uu hoggaamintiisa jiidda hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo mudd bil ah ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa hadda u soo gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu xalay ku hoyday, wuxuuna sidoo kale ka bilaabay kulamo ujeedkoodu yahay dardargelinta dagaalka socda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guulo ka gaareen ciidanka Xoogga dalka, inkasto deegaanada qaar ay ka soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here