Duqeyn Cirka ah oo lagu beegsaday kooxda ISIS ee Puntland

0

MUQDISHO, Soomaaliya – 4 May 2025 – Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan ka tirsan Puntland, iyagoo bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish. Duqeyntan ayaa lagu sheegay inay sababtay khasaare dhimasho oo gaaray kooxda la beegsaday.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howlgalkaasi, waxayna ku tilmaantay mid muujinaya iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ee la dagaallama argagixisada. Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu caddeyn u yahay sida labada dhinac uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah ee halista ku haya amniga dalka.

“Duqeyntii saaka dhacday waxay markhaati u tahay xoogga iskaashiga naga dhexeeya AFRICOM. Waxaan si wadajir ah uga go’an in aan cirib tirno khatarta ay kooxaha argagixisada ah, sida Daacish, ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo degganaanshaha dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo kooxaha xagjirka ah ee ku sugan waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay inay sii wadi doonto howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah, iyada oo garab ka helaysa saaxiibadeeda caalamiga ah.

Ciidamada AFRICOM ayaa muddo sannado ah ka fulinayay howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, kuwaas oo ay hormuud u tahay al-Shabaab, balse sannadihii dambe waxaa soo kordhay khatarta kooxda Daacish, gaar ahaan gobolka Puntland.

Howlgalkan ayaa muujinaya sida uu u sii socdo dadaalka caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo mustaqbal xasilloon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here