Aadan-Yabaal, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn culus oo ay fuliyeen ciidamada dowladda, oo gacan ka helaya saaxiibadooda caalamiga ah, lagu burburiyay gaadiid iyo keyd hub oo ay lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, duqeyntaasi oo ka dhacday degmada Aadan-Yabaal.
Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarinayeen gaadiid laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la qorsheynayay in loo adeegsado weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.
“Duqeyntan waxay aheyd mid si gaar ah loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay gaadiid qaraxyo lagu diyaarinayay iyo keyd hub oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Sida ay saraakiishu sheegeen, weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab, loogana hortagayo khataraha ay ku hayaan nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ma jiraan warar madax bannaan oo ka soo baxay khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray kooxda Al-Shabaab ama dadka rayidka ah ee deegaanka, hase yeeshee dowladda ayaa sheegtay in duqeyntu si taxaddar leh loo fuliyay si aan waxyeello loogu geysan dadka deegaanka.
Howlgallada noocan ah ayaa si joogto ah uga socda qeybo badan oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku ay sheegtay inay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan, kala soco wararkeena xiga.




