Duqeyn Mareykanka fuliyay oo Lagu Beegsaday Daacishta Buuraleyda Calmiskaad

0

BOOSAASO, Soomaaliya [SMN] – Xalay, duqeyn culus ayaa lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay Togga Miiraale ee buuraleyda Calmiskaad, ee gobolka Bari.

 

Taliska howlgalada Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro Daacish.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, isla markaana lagu beegsaday goobaha ay kooxda Daacish ku dhuumaaleysanayeen.

Wuxuu Taliska Puntland sidoo kale tilmaamay in duqeyntan ay qeyb ka tahay taageerada Mareykanka ee dagaalka Puntland ka wado ka dhanka ah kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku saabsan saameynta duqeyntan ee kooxda Daacish.

Buuraleyda Calmiskaad ayaa noqotay goob dagaal joogto ah, iyadoo ciidamada Puntland iyo Mareykanka ay ku hawlan yihiin ciribtirka Daacish ee ku sugan gobolka Bari, halkaas oo kooxda Daacish ay ku leedahay saldhigyo muhiim ah.

Howlgallada ka socda gobolka Bari ayaa lagu doonayaa in si buuxda looga ciribtiro kooxda Daacish oo muddo ku sugnayd deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here