Duqii hore ee magaalada Muqdisho oo u jawaabay wasiirka maaliyada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo usoo jawaabay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka hadlay arrimo ku aadan canshuurta ay soo kordhisay wasaaradda.

 

Taabit ayaa su’aal ka keenay hadalka wasiirka ee ah inay horay u jiri jirtay canshuurta VAT ee iibka sida EVC iyo Wallet-yada, taas oo hadda la canshuurayo sida uu sheegay wasiirku.

Warrsaxaafadeedka uu soo saaray Taabit ayaa u qornaa sidatan:-

Hadalkii maanta ee Wasiirka Maaliyadda XFS yiri ee ahaa VAT hore ayay u jirtay ayaan rabaa inaan ummadda u caddeeyo.

Xaqiiqo: Hore uma jirin canshuur VAT ee iibka danabeysan sida EVC iyo Walletyada Bangiyada oo laga qaado shacabka iyo ganacsatada Muqdisho. Wasiirka Maaliyadda XFS waxaa laga rabaa in uu caddeeyo 5% VAT ee EVCda iyo Walletyada uu 3 maalin ka hor ku dhawaaqay?

Canshuurta 5% VAT ee EVCda iyo Walletyada Bangiyada ee XFS ku dhawaaqday ee la rabo in lagu waajibiyo shacabka iyo ganacsatada Muqdisho waa mid ah caddaalad-darro, beegsi ku siman shacabka iyo ganacsatada Muqdisho, waana wax aan dastuurka waafaqsaneyn illeen sharcigu wuxuu sharci yahay marka loo wada siman yahay oo waajib ku yahay muwaadiniinta oo dhan ee ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (Equality under the law)
Dadka Muqdisho waxay ku jiraan xaalad dhaqaalo xumo aad u liidata oo dadka qaar ayaaba wax ay cunaan haysan, dhaqdhaqaaqa ganacsiga bulshada ayaa xog-ogaal u ah, sidaa darteed culeys kale ma qaadi karaan reer Muqdisho oo aysan Soomaali oo dhan ula sinneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here