Eedeymo loo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

0

Muqdisho – Siyaasi Maxamed Xaadir Nuur, oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay Radio Shabelle ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay inuu si ula kac ah u lumiyay waqtiga siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Qaranka.

 

Siyaasiga ayaa sheegay in ay la yeesheen Madaxweynaha saddex kulan oo kala duwan, kuwaasoo uu sheegay in lagu waday in laga gaaro isfaham siyaasadeed oo wax ka beddela xaaladda adag ee dalka, balse wax natiijo ah aysan kasoo bixin. Intaas waxaa uu ku daray in mar walba la sameeyo ballan cusub, taas oo uu ku tilmaamay xeelad lagu marin habaabinayo mucaaradka si looga ilaaliyo in ay cadaadis siyaasadeed keenaan.

“Kulamadaas waxay noqdeen kuwo waqti lagu lumiyay, halkii laga rajeynayay xal siyaasadeed. Madaxweynaha waxa uu muuqataa mid aan diyaar u ahayn in uu la tashi dhab ah la yeesho mucaaradka,” ayuu yiri Maxamed Xaadir Nuur.

Siyaasiga ayaa sidoo kale iftiimiyay in shacabku ay ka daaleen ballanqaadyo been ah iyo shirar aan wax micne ah yeelan, wuxuuna xusay in xaaladda hadda taagan ay sii kordhin karto kalsooni darrada shacabka ee dowladda federaalka ah.

Hadalka Siyaasi Maxamed Xaadir ayaa imaanaya iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubaland, gaar ahaan arrimo la xiriira awood qeybsiga, hanaanka doorashooyinka, iyo maamulka kheyraadka dalka.

Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa cadaadis gudaha iyo dibadda ah, iyadoo beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in la helo hoggaan mideeya dalka oo ka shaqeeya xal waara, halkii laga sii wadi lahaa kulamo aan miro dhalin.

Maxamed Xaadir Nuur ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha in uu joojiyo madadaalinta siyaasadeed oo uu furo wada-hadal dhab ah oo ku saleysan daacadnimo, dulqaad iyo danta guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here