Ehelka Sayid Cali Macalin oo ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay wiilkooda

0

MUQDISHO (SMN) – Eehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo xukumay dil toogasho ah ayaa ka hadlay xaaladda wiilkooda, kadib markii weerarkii maanta lagu qaaday xabsiga dhexe.

 

Nuur Xirsi oo ah adeerka Sayid Cali, isla markaana uu warramay Shabelle ayaa sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray marka dagaalka bilowday, uuna nabad qabo.

“Wiilka annaga waa nasoo wacay markii ay xabadda bilaaatay ayuu nasoo wacay meesha saas ayaa ka jirto ayuu na yiri, waana nabad qabaa” ayuu yiri Aadeerka Sayid Cali.

Sidoo kale adeerka ayaa ka hadlay arrimo weli ku geedaaman kiiska Sayid Cali oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, wuxuuna sheegay inay aadayaan maxkamadda sare.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here