Erdogan oo kusoo wajahan Soomaaliya

0

ANKARA – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa shaaciyay in horraanta sanadka soo socda uu booqasho ku imaan doono Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjaray xiisaddii muddada sanadka ku dhow ka dhexaysay dalalkan ku yaalla Geeska Afrika.

 

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu yiri Erdogan oo Axaddii shalay.

Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Ankara 11-kii bishan December, kaasoo ahaa dhamaadka dadaallo dhex-dhexaadin ah oo dowladda Turkiga sameysay.

Labadan hogaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii ka dhashay heshiiska Badda Somaliland ka dib wadahadalo saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdoğan, kaas oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Khilaafka ayaa soo bilowday bishii January ee sanadkan markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay maamul goboleedka Somaliland si uu u helo dhul xeebeedka 20KM ku fadhiya oo deked iyo saldhig ciidan ka dhisan lahayd.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, iyadoo qeylo dhaan caalami ah ka soo yeertay khatarta xiisada ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika ee kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here