Erdogan Oo Mar Kale Diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Qaahira – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ku celiyay diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo Israa’iil ay ku aqoonsanayso Somaliland, isagoo sheegay in go’aan kasta oo quseeya mustaqbalka Soomaaliya uu waafaqsan yahay rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed.

 

Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu Arbacadii magaalada Qaahira kula yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, halkaas oo uu ku cambaareeyay aqoonsiga Somaliland inuu yahay mid si toos ah u halis gelinaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Tallaabo kasta oo la xiriirta mustaqbalka Soomaaliya iyo Somaliland waa inay ka tarjumaysaa rabitaanka dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Erdogan, isagoo si cad u muujiyay mowqifka Turkiga ee ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay faragelin dibadeed oo lagu sameynayo arrimaha Soomaaliya.

Hadallada Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid xilli Ankara iyo Qaahira ay wadeen wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iyadoo arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika ay ahaayeen qodobbo muhiim ah oo ka mid ahaa wada-hadallada labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here