Ethiopia iyo Soomaaliya oo Bilaabay Wadahadallo Farsamo ee Ku Saabsan Fulinta Heshiiskii Ankara

0

ANKARA, Turkiya [SMN] – Dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa bilaabay wadahadalo farsamo oo ku saabsan fulinta Heshiiskii Ankara ay ku gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed 11-kii December 2024.

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweis, ayaa sheegay shalay in uu gaaray Ankara si uu ugu biiro wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya wadahadalada, kuwaasoo ujeedadoodu tahay “siyaabaha lagu fulin karo heshiiskii Ankara.” Wasiir Da’ud Aweis ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto “dardargelinta nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhisidda xiriirka diblomaasiyadeed” iyadoo la tixgelinayo fahamka iyo ixtiraamka isweydaarsiga ee dalalka.

Wadahadaladani waxay ka dambeyeen kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Gedion Timotheos, iyo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiya, Burhanettin Duran, 6-kii Febraayo 2025. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa sheegtay in labada dhinac ay “isku dhaafsadeen fikrado ku saabsan dhinacyada farsamo ee heshiiska.” Waxa kale oo ay sheegtay in Gedion uu muujiyay “dedaalka Ethiopia ee ku aaddan hirgelinta buuxda” ee heshiiska isla markaana uu u mahadceliyay Turkiya oo fududeysay heshiiska saddex-geesoodka ah.

Heshiiskii Ankara, oo uu dhex-dhexaadiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku adkeeyay “ixtiraamka iyo ballanqaadka midba midka kale ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada, iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed uu dal walba leeyahay.”

Heshiiska wuxuu soo afjaray xiisadii labada dal u dhaxaysay ee ka dhalatay is-afgaradkii Abiy Axmed la galay Muuse Biixi ee ku saabsanaa badda.

Kadib kulankii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safaray Ethiopia 11-kii Janaayo 2025, halkaas oo uu kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyagoo isla qaatay go’aan ah in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada wadan.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay inay “xoojin doonaan xiriirkooda laba-geesoodka ah iyaga oo hirgelinaya wakiillada buuxa ee diblomaasiyadeed” iyo in ay amar ku bixiyeen in “ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha danaha guud.” Waxaa sidoo kale la tilmaamay in ay muhiim tahay “iskaashi xooggan” oo ku saabsan xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here