Ethiopia iyo Soomaaliya oo shaaciyay Inay iska-kaashanayaan Nabadda Gobolka Geeska Afrika

0

Bahir Dar, Itoobiya – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale xaqiijiyey go’aankooda ku aaddan xoojinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga gobolka Bariga Afrika, xilli ay furmayso Madasha Ammaanka ee Tana ee 11-aad oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee Itoobiya.

 

Doodihii maalintii ugu horreysay ee madasha ayaa diiradda lagu saaray xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika, iyadoo madaxda iyo khubaradu ay carabka ku dhufteen muhiimadda iskaashi wadajirka ah si loo wajaho caqabadaha amni ee gobolka ka jira.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Itoobiya, Hadera Abera, oo ka hadlay shir heer sare ah, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ka ciyaarto ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka. Wuxuu sheegay in goobta istiraatiijiyadeed iyo hoggaaminta taariikhiga ah ee Itoobiya ay ka dhigeyso ciyaaryahan muhiim ah oo gacan ka geysan kara xoojinta nabadda waarta.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa xoojinta kaalinteeda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Ambassador Hadera, isagoo adkeeyey sida dalkiisu uga go’an tahay nabad waarta oo gobolka oo dhan ah.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya wado ee dib-u-dhisidda hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta nabadda kadib sannado badan oo colaado ah. Wuxuu tilmaamay sida Soomaaliya ay ugu heellan tahay iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka gobolka si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar.

Wakiilka IGAD u fadhiya Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa dhinaceeda sharaxday kaalinta sii kordheysa ee ururka IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadalka, xalinta khilaafaadka, iyo horumarinta isku-xidhka dalalka gobolka.

Madasha Heerka Sare ee Tana, oo loo arko midda ugu weyn ee Afrika ee lagaga arrinsado nabadda iyo amniga, ayaa isu keenta madaxda dowladaha, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo madaxda bulshada rayidka ah.

Madashan sanadkan ayaa lagu furay hal-ku-dhegga La tacaalidda Tartan Caalami ah iyo Adkaynta Adkaysiga Gobolka”, iyadoo la eegayo isbeddellada cusub ee siyaasadda dunida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here