GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo ka howlgalgalay magaaladaasi.
Marxuumka ayaa waxaa lagu dhex-dilay xarun caafimaad oo uu maamule ku ahaa, taas oo lagu magacaabo Alxaramayn.
Dilka ayaa waxaa fuliyay nin ku hubeysnaa qoray AK47, kaas oo laga arkay muqaal ay duubtay CC kaamiro ku xirneyd xarunta uu dilku ka dhacay.
Allaha u naxariistee dilka Dr Sakariye Cabdi ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana intooda badan dadka ay ku baaqeen in lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha
Inta badan waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dhacay dilal qorsheysan oo ay gaystaan maleeshiyaad hubeysan, kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil