Faah-faahin ku saabsan qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda ee ku sugan duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan is-miidaaminta ah, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale qarax loo adeegsaday gaari, balse ay fashiliyeen ciidamada amniga uu ka dhacay isla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here