Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Buulo-burte + Khasaaraha

0

BUULO-BURTE (SMN) –  Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo lala beegsaday dad rayid ah, kaasi oo ka dhacay degamadda Buulo-burte ee gobalka Hiiraan.

 

Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadda degmadaasi ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay suuq ku yaalla degmadaasi, waxanaa jira khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka ku dhawaad toban kale ay ku dhaawaçmeen, waxaana qaraxaasi uu ahaa miinadda nooca dhulka lagu aaaso oo loo garan ogyahay soo boodada.

Dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi ayaa la geeyay isbitaaladda ku yaalla degmadaasi halkaasi oo lagula tacaalayo dadka qaba dhaawacyadda fudud halka la sheegeegay in dhowr qof oo qaba dhaaaacyo culusna loo soo qaaaday Magaaladda Muqdisho halkan oo la sheegay in loogu samaynayo kaalmo caafimaad.

Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheeegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo burburiyay inta badan goobihii ka agdhawaa waxayna sheegeen in qaraxaasi lala beegsaday dad rayid ah suuqa ku sugnaaa.

Al-Shabaab ayay ku eedeeyeen qaraxaasi waxayna sheegeen in u jeedkeeda uu ahaa laynta dhammaan dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugnaaa.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa inta sheegata mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhaca Soomaaliya, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay degmadda Buula-burte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here