Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Ceeldheer + Khasaaraha

0

CEELDHEER (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey), waxaana ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa uu qabsaday gaari ay saarnaayeen dadkan oo marayay agagaarka degmada Ceeldheer, waxaana goobta gaaray ciidamada deegaanka.

Sidoo kale Macawiisleyda oo maydka iyo dhaawac kasoo qaaday goobta ayaa howlgallo baaritaano ah ka bilaabay halkaasi, waxaana haaran xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaco weeraro iyo qaraxyo gaysta khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here