MUQDISHO (SMN) β Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qarax oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaari ay ka socdeen ciidamo lagula eegtay xaafadda Buulo Xuubey ee degmadaasi
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, ayada oo uu burbur soo gaaray gaariga ka qarxiyay.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay degmada Wadajir.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen oo ah waddo mashquul badan.