Faah faahino ka laga helayo Nin iyo Xaaskiisa oo lagu dilay gobolka Galgaduud

0

CADAADO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen inta u dhexeysa magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado ee gobolkaasi, kaas oo loo gaystay nin iyo xaaskiisa.

 

Marxuumka oo kasoo jeeday dhanka Cadaado ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar, waxaana lala dilay marwadiisa xilli ay ku sugnaayeen hoygooda.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in maleeshiyaadka dilka gaystay ay kasoo jeedaan dhinaca Dhusuamareeb, isla markaana ay baxsadeen kadib dhacdadaasi.

Falkan ayaa la xiriira aano qabiil, waxaana lasoo wariyay in ragga weerarka gaystay ayaa sidoo kale dab qabad siiyeen guriga ay ku dileen marxuumka iyo naagtiisa.

Halkan hoose ka daawo: Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here