LAASCAANOOD (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo haatan ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo bariga magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in dagaalkan la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kale duwan, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socota dagaalkan, taas oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan halkaasi.
Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa markale dib u billowday, kuwaas oo ku sii fidaya deegaano horleh.