Faah-faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaa deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya inuu xalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Arbacow oo dhacda agagaarka Ceelasha Biyaha.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ay kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana haatan duleedka Muqdisho howlgallo culus ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baadi goobaya xubnaha weerarka soo qaaday.

Si kastaba, saldhigga Arbacow ayaa kamid ah saldhigyadii ay maamlo kahor wareejiyeen ciidamada howlgalka ATMIS oo haatan la qorsheynayo inay isaga baxaan waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here