Faah-faahino ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay magaalada Marka

0

MARKA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay bartamaha magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

 

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa dhaliyay khasaare kala duwan, wuxuuna sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaaladaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan isku horfadhiya ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Marka ayaa sanadihii u dambeeyay xaaladeedu waxa ay aheyd mid deggan, waxaana ka howlgallayay ciidamo ka tirsan kuwa guutada 14-ka October ee Xoogga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here