Faah-faahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan aagga degmada Ceelwaaq.

 

Duqeymaha ayaa saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Kenya waxa ay ku garaaceen deegaano ay ka mid yihiin Khadiijo Xaaji iyo Faxfax-dhuun oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in duqeyntaas ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan goobaha la duqeeyay, kuwaas oo u badan dad xoolo dhaqato ah.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi dhanka cirka ah ee ay Kenya ka fulisay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ujeedka bartilmaameedka duqeyntan waxaa lagu sheegay mid ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab oo iyagana ku sugan agagaarka deegaanada ay ka dhacday duqeynta ee aagga magaalada Ceelwaaq.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ama maamulka gobolka Gedo ee ku aadan howlgalkaasi, waxaase haatan cabsida ugu xoogan ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ciidamo ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Si kastaba, duqeyntaan cusub ayaa ku soo aaday, xilli ay weli dalka ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-Shabaab kula dagaamaya inta badan gobollada dalka, waxaana dagaalkaasi hoggaamintiisa furinta hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ka badan ku maqan Galmudug iyo HirShaballe, isaga oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal oo uu ka wado abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here