BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala agagaarka Buundada Nuur xawaad, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaanagoobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.