Faah-faahino ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dhashay gaari nooca raaxada ah.

Afhayeenka Booliska, Sadiiqa Aadan Cali Doodishe oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in la fashiliyay, wuxuuna tilmaamay inay ka hortageen ciidamada booliska ee saldhigga Dayniile.

Doodishe ayaa sheegay in markii hore ay ciidanka amniga ka shikiyeen gaariga, isla-markaana uu qarxay inta ay socotay hubinta iyo baaristii lagu hayay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la qabtay laba nin oo qaraxa ku waday gaarigaas,isla-markaana uusan geysan wax khasaare nafeed ah

Xaaladdda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa halka uu qaraxu ka dhacay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, waxaana dhinac kale barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here