Faah-faahino kasoo baxaya dab xoogan oo ka kacay suuqa degmada Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa wayn ee degmada Wadajir, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed.

 

Dabka ayaa ka dhashay koronto, wuxuuna saameeyay maqaayad iyo kaalin shidaal oo ku taalla suuqa wayn ee degmada Wadajir.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa suuqa ayaa Shabelle Tv uga warbixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in daminta dabka ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka degmada.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here