Faah-faahino kasoo baxaya dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

0

DHUUSAMAREE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed khasaare kala duwan dhaliyay uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaaka qarxay deegaanka lagu magacaabo Bidhaan-dheer, wuxuuna u dhexeeyay maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah Nabadooyin Cabdiweli Daahir Tooxow oo ku baxay dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah oo ka socda Galmudug ay gaareen deegaanka lagu dagaalamay oo u dhow Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here