Faah-faahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay waqooyiga gobolkaasi, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

 

Dagaalka oo dhex-maray maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ayaa barqanimadii maanta ka qarxay deegaanka Laandheer oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, ayada oo rasaas goos goos ah laga maqlayo aagga lagu dagaalamay oo ay weli isku horfadhiyaan maleeshiyaadka labada beelood.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee jooga gobolka, kuna aadan dagaalkaasi.

Gobollada dhexe oo ay ka taagan colaad wajiyo kala duwan leh ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, oo illaa iyo hadda xal loo helin, waxayna kusoo aadayaan, xilli halkaas ay ka socdaan howlgallo xoreyn oo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here