Faah-faahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka socda gobolka Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal mar kale saaka dib uga qarxay deegaanka Maygaagta oo dhaca galbeedka gobolka Mudug.

 

Dagaalka ayaa u dhexeeyo maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaa soo isku haysto dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hunka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay maadaama uu weli socdo.

Maleeshiyaadkan ayaa horay ugu dagaalamay aagga uu mar kale saaka dagaalka ka bilowday, waxayna muddooyinkan dambe wadeen hub uruursi iyaga oo helay gurmadyo horleh taas oo uga sii dartay xaaladda.

Gobollada dhexe ee dalka waxaa ka taagan colaad beeleedyo, waxaana kusoo noqnoqday dagaallo dhaliyay khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here