DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ka qarxay deegaanka Labi-caano oo bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, welina maleeshiyaadka ay isku horfadhiyaan halkaasi.
Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro maleeshiyaadka dagaalamay iyo dad rayid ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka dagaalamaya ay isku heystaan daaq iyo waraab waxayna kasoo kala jeeda Ceelgaras iyo Dhuusamareeb.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo wada maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaanka Labi-caano ee gobolka Galgduud.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana meelo kala duwan oo kamid ah Galmudug ka taagan colaado sokeeye oo saameyn ku yeeshay deegaannada maamulkaasi.