MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay dad careysan oo kasoo horjeedo burburin ay dowladda ka sameysay halkaasi iyo ciidamada ammaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Sidoo kale waxaa qorayga Sabanka lagu dhuftay mid kamid ah gaadiidkii Cagaf-cagafta ee ka shaqeynayay dhulka la burburiyay ee Ex-koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay Ex-kontarool Afgooye.
Wixii soo kordha kala soco: Shabellemedia.com