Faah-faahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed uu dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa kusii fiday xaafado horleh, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu la’egyay maadaama weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Labada beelood ee dagaalamaya ayaa horay isugu gaystay dilal la xiriira aanooyin qabiil, waxaana maalmihii u dambeeyay ay wadeen dhaq-dhaqaaq iyo hub uruursi.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here