Faah-faahino kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho + Video

0

 MUQDISHO (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in maanta ay dil ka gaysteen agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

 

Goojoogayaal ayaa sheegay in ciidamada oo marayay Warshadda Caanaha ay fureen rasaas, taas oo ay ku dhimatay gabar ardayad ahayd.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Muno Maxamed Xiirey, waxaana ehelladeeda ay sheegeen in aan la aasi doonin, inta ay cadaalad ka helayaan.

Askarta lagu eedeeyay dilka gabadha ayaa meesha isaga baxsaday, kuwaas oo ay haatan ku raad joogaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here