Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn saaka ka dhacday gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo saaka diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Duqeynta oo si gaar ah uga dhacay deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cageey ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan cirka ah, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa gobolka Galgaduud.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale loo duqeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga degmada Ceeldheer oo kamid ah degmooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here