Faah-faahino kasoo baxaya gabar iyo hooyadeed oo lagu dilay Kaaraan

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii askari ka tirsan ciidanka milatariga uu dil wadareed u gaystay gabar iyo hooyadeed.

 

Ninka falkan gaystay oo baxsaday ayaa la sheegay inuu qabi jiray gabadha balse ay haatan guursatay nin kale, kadibna uu sidaas kusoo weeraray guriga.

Allaha u naxariistee waxaa goobta ku dhimatay gabadha oo lagu magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable halka hooyada oo dhaawac ahna ay ku geeriyootay isbitalka, waxaana lagu magacaabi jiray Muslimo Macallin Xasan.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo baadi goob loogu jiro eedeysanaha oo goobta ka baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here