Faah-faahino kasoo baxaya hoobiyeyaal lagu garaacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo xalay laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Waabari iyo Yaaqshiid, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan iyo burbur.

Jugta madaafiicda ayaa xalay si weyn looga dareemay gudaha caasimadda, kuwaas oo khakhal ku beeray dadka shacabka ah.

Dhinaca kale Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in qaraxyada la maqlay ay ahaayeen kuwa dheemish ah oo ka dhashay baco ay soo diyaariyeen Al-Shabaan, si ay ugu cabsi geliyaan shacabka.

Warsaxaafadeedka Booliska ayaa u qornaa sidatan;-

Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la dhigay.

Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad ” ayaa la raaciyay qoraalka Booliiska ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here