BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada Koonfur Galbeed ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qabtay nin la sheegay inuu bam gacmeed ku weeraray masjid ku yaalla mid kamid ah xaafadaha magaaladaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in eedeysanaha lasoo qabtay, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
Sidoo kale waxa ay shacabka ugu baaqeen inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed.
Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay soo abaabusho kooxda Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka degmadaasi.