Faah-faahino kasoo baxaya howlgal culus oo ka dhacay gobolka Bakool

0

XUDUR (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ay ka ameeyeen duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

 

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Qeydar-Cadde oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur.

Saraakiisha horkacaysay howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacay dagaal muddo kooban socday, kaas oo ay ciidamadu kula wareegeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan aagga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here