Faah-faahino kasoo baxaya howlgal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo ay qaadeen ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

 

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Halgan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha kooxda.

Xaaladda ayaa weli mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo ah halka uu ka dhacay howlgalka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah Hiiraan oo ah hlka uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here