Faah-faahino kasoo baxaya howlgal culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidamada Guutada Bir-jeex ee Daraawiishta Jubbaland, waxayna ku beegsadeen saddex xubnood oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Warsaxaafadeed laga soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab, mid kale ay dhaawac kusoo qabteen.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in xubnahan ay qayb ka ahaayeen weerarkii Al-Shabaab dhowaan ku qaadeen deegaanka Buulo-xaajo, kaas oo lagu jabiyay isla iyagii.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta JubbalandΒ  goor dhow waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka.

Waxaa usuura gashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here