Faah-faahino kasoo baxaya howlgal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanada kala ah Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka, iyo Bululoow, laguna beegsaday Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan illaa 24 ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 30 kale.

Hoos ka akhriso:-

Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa lagu dilay in ka badan 24 dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka, iyo Bululoow, iyadoo ciidamada ay si gaadmo ah uga dul dhaceen dhagarqabeyaal qorsheynayay inay sameeyaan falal argagixisanimo.

Taliyaha Guutada 7-aad, Gaashaanle dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan”, oo howlgalka hoggaaminayay, ayaa sheegay in in ka badan 24 dhagarqabe lagu dilay howlgalkaan, iyadoo sidoo kale la dhaawacay tiro kabadan 30 dhagarqabe.

Xogta la helay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in meydadkii dhagarqabeyaasha ay u kala qaadeen deegaanada Buulo Madiino iyo Cumar Beyre si halkaasi loogu aaso. Ciidanka Guutada 7-aad ayaa ku raad jooga firxadka dhagarqabeyaashii galabta laga dul dhacay, iyadoo howlgalka ay qeyb ka ahaayeen taliyeyaasha ururada 64-aad iyo 54-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here