Faah-faahino kasoo baxaya madaafiic lagu garaacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo xalay lagu weeraray xaafado ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Weerarka oo dhacay xalay saq-dhexe ayaa waxaa lagu beegsaday goobtii uu shalay ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ee lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen ciidanka NISA.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, uuna jiro khasaare.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo xaqiijiyay dhaawaca illaa 2 qof, laakiin khasaaraha ayaa intaasi ka badan kara, maadaama meelo kala duwan ay ku dhaceen madaafiicda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sidoo kale saaka howlgallo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here