MUQDISHO (SMN) – Qarax dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaa ku dhintay wiil yar oo Caseeye ahaa, halka ay ku dhaawacantay hooyadiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile Cali Cabdi Faarax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana sheegay in qaraxa uu bac madow ku waday wiilka yar ee geeriyooday, waxaana uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay aagga uu qaraxu ka dhacay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.